Wednesday, 16 November 2011

Nuux Maxamud Iyo Gaalgalo Waxba Iskuma Ahan!

Waxaa wax iga yaabiyay in maanta dad maanqaab ahi ay la soo taaganyihiin beesha faca weyn ee somaliya caanka ah ee la yiraa "Gaal-Galo" oo ah micnaheedu yahay "Geel-Gale" ayaa ah laf ka tirsan Beesha Maxamud saleebaan  lana yiraahdo "Nuux Maxamuud" isla markaana ah Majerten Daarood ismail!! Waa ceeb in maanta nasab been abuur loo sameeeyo beel dhan oo somalidu taqaan lagu sheego iney daarood yihiin anagoo og inaan isir noo galin daarood.haka waantoobeen dadka maanta dahaya gaalgalo waa daarood waayo anagu waan naqaan meesha aan ka soo jeedo mana nihin mana ahaan doono majerten ama daarood.

Hadii laga Fogaan waayo sheegashadaas foosha xun oo nasab dhan la inkirayo,waxaa soo bixi doonta shakigii awal ee ahaa in majertenku yahay dad laysku keenkeenay.